U bood dhigaalka

Wasaaradda Difaaca “Kaalin Weyn Baan Ku Leenahay Sugista Amniga Mudug”

Sheeko:Dalka

Agaasimaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Somkar Jaamac oo qeyb ka ah guddiga nabadeynta gobolka Mudug ayaa ka hadlay halka saldhigga rasmiga ah u noqoneysa ciidamada isku dhafka ah ee Puntland iyo Galmudug, xilli dhowaanahan uu jiray is faham waa la xiriiray halka ciidamadan saldhig looga dhigayo.

Ciidamadan ayaa loo xil saaray iney ka qeybqaataan nabadeynta iyo xasilinta gobolka Mudug.

Agaasimaha ayaa sheegay in tan iyo intii ay howlgaleen ciidamadan ay yaraadeen falalka amni darro ee ka dhacayey magaaladaasi, wuxuuna sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad amni darro waday.

Sidoo kale agaasime Sonkor ayaa xusay in wasaaradda difaaca DFS ay kaalin weyn ku leedahay dardargelinta howsha ciidamada isku dhafka ah ee Galmudug iyo Puntland.

“Dedaal badan ayaa ku bixinnay sidii ay ciidamadan ku shaqeyn lahaayeen, waxaan ka wada hadalnay xitaa halka la dejinayo ciidamada sida deegaannada Galbeed, inaan dhisno xarumo lagu tababaro ciidamada” ayuu yiri agaasimaha.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa soo hagaagaya wixii ka dambeeyay markii ay magaaladaasi la wareegtay wasaaradda difaaca ee xukuumadda Soomaaliya.

Goobjoog News