U bood dhigaalka

Wasaaradda Diinta oo Soo Saartay Waqtiga Isdiiwaangelinta

Sheeko:Amniga

Shirkadaha Xajka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda federaalka Soomaaiya ayaa maanta ugu baaqday shirkadaha ka shaqeeyo arrimaha xujeyda in ay isa soo diiwaan geliyaan, iyada oo sheegtay in waqtiga diiwaan gelinta uu bilaaban doono 4/3 sanadka 2020-ka kuna egtahay 11/3/2020-ka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in wasaaraddu ugu mahadcelineyso shirkadihii sanadkii hore 2019-ka aadka uga shaqeeyey arrimaha Xujeyda, muwaadiniinta Soomaaliyeedna u soorto geliyey in ay gutaan acmaasha Xajka, waxaana loogu baaqay in iyaguna ay isa soo diiwaan geliyaan,waxaana lagu yiri qoraalka wasaaradda.

“Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaa ay ku wargelineysaa dhammaan shirkadaha daneeyo fulinta adeega Xujeyda Soomaaliyeed sanadkaan 1441 ahna 2020-ka in ay iska soo diiwaan geliyaan wasaaradda, Shirkadaha waxaa lala socodsiinayaa in wasaaraddu si rasm ah faylalka iyo galalka Xajka ay u qaban doonto maalinta arbacada ah 4/3/2020-ka kuna eg arbaco 11/3/2020.

Shirkadihii hore ee dadaalka adag muujiyey oo wasaaradda kala shaqeeyey fulinta adeegga Xajka 2019-ka, waxaa ay qeyb ka yihiin isdiiwaan gelinta wixii shuruudaha ah oo quseeyo waxaad ka heleysaan xarunta wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta waaxda arrimaha Xajka, waxaana rajeyneynaa in sanadkaan umadda Soomaaliyeed meelk kasto ay joogaan sidii looga bartay wasaaradda arrimihii adkaa ee sanadkii hore oo cid weliba oo qabatay aan aad ugu amaneyno sanadkaan aad waqti hore u diyaar garownay”

Goobjoog News