U bood dhigaalka

Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Ka Hadashay Howlgallo Ay Ciidanka Danab Ka Sameeyeen J/dhexe

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay kaga hadashay howlgallo ay ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran ka fuliyeen deegaanno ka mid ah gobolka Jubada Dhexe.

Qoraalka ayaa ugu horreyn waxaa lagu yiri ” Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed, gaar ahaan Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmadda Sunguuni ee Gobolka Jubadda dhexe waxayna ku burburiyeen saldhig Al Shabaab iyo isbaaro ay ku qaadi jireen lacago sharci darro ah, Degmadda Sunguuni ayaa ah mid Istaraatiijiyad  u ah Al Shabaab waxayna dhanka waqooyi ka xigtaa wabiga Jubba”

” Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo  Al-shabaab, iyadoo maantana aysan jirin goob ay kalsooni ku joogaan oo mar walba weeraro qorsheysan lagu qaadi doona dalkana laga sifeynayo” sidaas ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada Difaaca Soomaaliya.

Qoraaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-shabaab degmada Saakow looga gubay gaadiid dagaal, sidoo kalena lagu dilay saraakiil sarsare oo aanay wasaaradda magacyadooda sheegin.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa gaarka u tababaran ee Danab iyo ciidan Maraykan ah ayaa dabayaaqada todobaadkii tagay waxay howlgallo ka sameeyeen deegaanno ka mid ah gobolka Jubada Dhexe.

Goobjoog News