U bood dhigaalka

Wasaaradda Ganacsiga “Waa Ka Mamnuuc in Xawaaladaha iyo Bangiyada Akoon u Furaan Cid Aanan Shati Ka Heysanin Wasaaradda”

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdi Cusmaan oo ay hareero fadhiyaan koox wasiirro kale ah iyo xeer illaaliyaha guud ayaa warbaahinta u sheegey in wixii maanta laga bilaabo lasoo saaray amar lagu farayo xawaaladaha iyo bangiyada in aysan akoon ama sanduuq u furi karin cid aanan ruqsad heysanin.

“Laga bilaabo maanta waxaa la wargalinayaa dhamaan xawaaladaha iyo bangiyada in aysan akoon u furi karin shaqsi ama shirkad, oo aan ruqsad ama shati ka heysanin wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale wasaaradda ayaa shaacisey qiimo dhimis boqolkiiba %40 ah oo loo sameeyey shirkadaha iyo meheradaha shatiyada isdiiwaangalinta ka qaadanaya wasaaradda, iyada oo arrinkani looga gol leeyahay in lagu dhiirogaliyo maalgashiga iyo ganacsiga.

“Wasaaraddu waxa ay qiimo dhimis ku sameysay goosashada adeegga Laysinka dajinta iyo soo dhoofinta darajada A iyo B waa 300 oo doollar halka uu ka ahaa 1,000 (Kun dollar), waxaan ka dhignay boqolkiiba 70. Leysinka shirkadaha shisheeye ama la wada leyahay waa $3000(Saddex kun) isn waxaan dhinnay boqokiiba 70. Sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta, xawaladaha iyo dalladaha jamacadaha ee gaarka loo leeyahay laysinkoodu waa $5000 (shankun)”

Xeer Illaaliyaha qaranka Dr. Axmed Daahir ayaa sheegey in marka qiimo la-jaangoynayo loo baahanyahay in dhinacyo badan laga eego, laguna saleeyo duruufaha dhaqaale ee dalka iyo si aanan dadka wax u dhimeynin.

Goobjoog News