U bood dhigaalka

Wasaaradda Gargaarka: Dhibaatadii Zoobe Waxaa Looga Baxay Isku Duubnida Shacabka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda gargaarka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay dhibaatadii ka dhalatay musiibada qaraxii Zoobe ee 14 October 2017 looga gudbay isku duubnida shacabka Soomaaliyeed.

Ismaaciil Salaad Colow, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxii Zoobe ay shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba isaga soo gurmadeen.

“Shacabka kaalin mug leh ayeey qaateen, waxay degdeg ku yimaadeen meelaha aan u furnay, waxaan ka wasaarad ahaan sameennay isku xirka shacabka iyo sidoo kale inaan ka shaqeynno sidii loogu gurman lahaa dadka dhaawaca ah” ayuu yiri agaasimaha.

Sidoo kale, agaasime Ismaaciil ayaa sheegay in wasaaraddu ay sameysay guddiyo kala duwan kuwaasi oo qaarkood dadka la raadinayey dadkooda maqan, kuwo tirokoob ah iyo sidoo kale kuwo qaabilsan dhanka caafimaadka.

Qaraxii Zoobe oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ku geeriyootey in ka badan 600 qof oo Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir