U bood dhigaalka

Wasaaradda Gargaarka Oo Daahfurtay Xarunta Qaran Ee Isku Dubaridka Gargaarka

Sheeko:Dalka

Si loo dhiiri galiyo howlaha gurmadka ah ee wax loogu qabanayo Dadka Abaaraha ayku saameeyeen Gobolada Dalka ayaa Sababtay in la daahfuro  Mashruucan la isku haleeshiinayo Gurmadka Bulshada iyo kan Dowlada ka yimaada.

Wasiirka gargaarka ee Xukuumada Soomaaliya  Drs Maryan Qaasim ayaa sheegtay in  xaruntan daahfurkeeda uu yimid kadib markii ka wasarad ahaan ay arkeen gurmadka abaaraha oo deegaanada qaar isaga daba noqonaya halka kuwa kalena aan la gaarsiin.

Munaasabadda lagu furayey barnaamijkaan waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo safiiro ka socda wadamada beesha caalamka.

Ra’iisul wasaare ku xegeenka dalka Mahdi Axmed Guuleed oo isna halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay in Xukuumadda ay taageerayso Tallaabo kasta oo Samatobixin loogu sameynayo dadka ay abaarta ku hayso dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa wasiir Maryan ka codsaday iney wasaaradddeeda la timaado qorshe loogaga hortagayo abaaraha dalkeenna kusoo noqnoqday.

Qorshahan ayaa noqon doona mid wax badan looga qabto xaaladda abaareed ee dalka ka jira, sidoo kalena waxa uu sahli doonaa in gurmad degdeg ah loo fidyo meelaha daran ee ay saameysay abaarta.

Cali Aadan Muumin

Goobjoog News