U bood dhigaalka

Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka oo La Hoosgeeyay Xafiiska Ra’iisulwasaare Xamse

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Salah Jama, ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabad Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu kula wareegaayey Gargaarka iyo Masiibooyinka oo horay Wasaaradd u aheyd, laakiin aan lagu soo darin xukuumadda cusub.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa Wasiirkii hore Gargaarka iyo Masiibooyinka ahna Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqal Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye kala wareegay taasi oo hoos imaanaysa Xafiiska Wasiirru dowlaha.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in masiibooyinku yihiin wax laga ducaysto, balse mar walba ay tahay in laga diyaar garoobo, isagoo intaa raaciyay in Xukuumadda Dan-Qaran ahmiyad gaar ah siin doonto ka hortagga masiibooyinka, waxaa ay hadda kadib ka tirsanaan xaafiiska Xamse.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, shaqadii ay Wasaaradda ka soo qabatay muddadii ay hoggaaminaysay, isagoo Wasiiru-dawlaha Alle uga baryey inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, muddadii ay wasiirka ka aheyd.

Go,aankaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa yimid kadib markii maalmihii tagay muran uu ka taagnaa cidda maamulaysa gargaar loogu talo galay dadka ay abaartu saamaysay, taas oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta, maadaama gargaarku waasaarad uusan laheyn hadda.

Goobjoog News