U bood dhigaalka

Wasaaradda Gargaarka:  Sanadkan illaa $1.6 Bilyan Ayaa Loogu Talo-galay Arrimaha Bani’aadanimada

Sheeko:Dalka

Xil. Cilmi  Cumar  Ceynsane , wasiir ku-xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareyna musiibooyinka oo  maanta ka hadlayey  shirka ay soo qaban qabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaa soo looga hadlayay qorshaha gar-gaar ee arrimaha bini-aadanimadda sanadka 2018 ayaa sheegay in sanadkan illaa $1.6 Bilyan loogu talo-galay arrimaha banii’aadnimada.

Xil. Cilmi  Cumar  Ceynsane waxaa uu yiri“Shirkaan waxaa uu ku saabsanaa shaxda 2018 ee gargaarka bani’aadanimo,  sanadkii la soo dhaafay waxay qaramada midoobay nagala shaqeynayeen iyo beesha caalamka ilaa saddex milyan oo qof qorshihii wax lagu gaarsiin lahaa iyada oo sanadkaan laga cabsi qabo abaaro ayaa waxaa la soo bandhigay qorshe dhan hal milyan iyo lix boqol in loogu talo galay in looga shaqeeyo arrimaha bani’aadanimada.

Wasaaradda ayuu sheegay in loo dhisay sidii arrimahan wax uga qaban laheyd “Sanadka 2018-ka qorshihiisa guud ayuu ahaa shirkaani waxaana ka soo qeb-galay dhammaan dadka ku howlan kana shaqeeya arrimaha gargaarka bani’aadanimo, sidaan ogtihiin wasaaraddaan oo dhawaan la aas-aasay xilligii xukuumadda uu Xasan Cali Khyere uu soo dhisay kuna timid in la helo wasaarad ka shaqeysa gargaarka bani’aadanimada sida abaaraha soo noq-noqday iyo dhibaatooyinka uu dalka la kulmo iyo sidii looga bixi lahaa gaajada wax ka qabata.

Shirkan qorshaha gar-gaar ee arrimaha bini-aadanimadda sanadka 2018 waxaa ka soo qeyb galay ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo Peter de Clerq oo ah ku xigeenka ergeyga gaar ah ee Xogheyaha Q.M ahna u qeysanaha u jooga iyo isuduwaha gargaarka banii’aadnimada.

Goobjoog News