U bood dhigaalka

Wasaaradda Haweenka Oo Sheegtay In Sharciga Jinsiga Uusan Ku Qorneyn Qodobo Diinta Kahor Imaanaya

Sheeko:Dalka

Wasaarada Haweenka iyo xuquuqdal aadanaha  ee xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in sharciga jinsiga uusan ku qorneyn qodobo Diinta ka hor imaanaya.

Sahro Maxamed Cali Samatar oo saxaafada kula hadashay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegtay in Sharcigan ay ku dabrayn Diinta Islaamka islamarkaana ay ku saleeyeena shareecada Islaamka.

Wasiirka waxa ay tilmaantay in aysan waxba ka jirin wararka  sheegaya in Sharcigan uu  yahay mid laga soo min guuriyay dalal shisheeye.

“Sharcigan la tashi ayaa laga sameeyay, waxaa si wanaagsan looga eegay dhinacyada ku saabsan inay jirto wax kahor imaanaya sharciga Islaamka si aad ayaan u eegnay, siyaasaddan iyo kuwa kale ee dalkaba waa qasab inay hoos yimaadaan shareecada Islaamka kadibna Dastuurka, waxaan xitaa ka eegnay inay ku jiraan wax tuhun ah oo haweenka ka mamnuuc ah, wax diinta kasoo horjeeddo haba yaraatee kuma jirto, xukuumadda ayaan hordhignay Saddex mar ayaa lasoo celiyay, markii ugu dambeysay eray bixinta erayga jinsiga ayaa loo soo celiyey, hadana waxaa la yiri Genderka hala barbar dhigo, laakiin siyaasadda qaran ee Jinsiga ayeey noqotay” ayeey tiri Sahro Maxamed.

Waxaa jirtay hadal hayn badan oo sharcigan uu keenay iyadoo ugu dambeyn shirkii golaha wasiirada ee Khamiistii dhacay lagu casuumay culimada Soomaaliyeed oo markii hore sharcigaan war ka keenay balse dib loo tusay sida saxda ah ee sharcigan yahay.

Goobjoog News