U bood dhigaalka

Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Dib u Dhiska Oo u Digtay Shirkadaha Dhismo Ee Dalka

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska dalka ee xukuumadda Soomaaliya Saalax Sheekh Cismaan ayaa ka hadlay arrinta ku aadan dib u dhiska dalka gaar ahaan laamiyadii ku burburray dagaalladii sokeeyey ee dalka soo maray.

Wasiir Saalax ayaa sheegay inay arkeeen dad aan u qalmin Injineero, islamarkaana injineero u ah shirkado dhisaya Laami, taasina ay qalad ku tahay shuruucda dalka u degsan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Hay’adaha ajaanibta waan u sheegnay, waxaan dowladda ogeyn ma sameyn karaan, sharci walbo waan haysannaa, markaan dhahno kaalmo ayaan dibadda ka sugeynaa wadanka horay uma soconayo, shirkad walbo waa inay la xiriiraan haddii ay joogaan Puntland, Jubaland Koonfur Galbeed meel walbo wasaaradaha meesha jooga, injineerada waa in la koontaroolaa, shirkadaha waddooyinka dhisaya wax badan baan uga dignay, gaar ahaan kuwa Xamar wax ka dhisaya, ma ogolaan doonno jid la dhisayo oo aanay koontaroolin wasaaradda” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu Dambeyn wasiirka ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada gaar ahaan wasaaradaha ku shaqada leh howlaha dib u dhiska inay wada shaqeyn ballaaran la yeeshaan wasaaraddiisa islamarkaana laga hortago cid walbo oo isku dayeeysa in shacabka ay u sameyso dhismo qaldan ama wax la mid ah.

Goobjoog News