U bood dhigaalka

Wasaaradda Kalluumaysiga oo magaci laga baddalay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa laga badalay magaca sida lagu xaqiijiyay war ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha dalka.

Go’aanka magac badalista ayaa yimid kadib soo jeedin ka timid wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga.

Wasaaradda ayaa magaceeda laga dhigay ‘Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga’.

Waxaana horay ay u ahayd Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda.