U bood dhigaalka

Wasaaradda Kalumeysiga Iyo Kheyraadka Badda Oo Shatiyo Siineysa Maraakiibta Shisheeye

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa  Goobjoog News u sheegay in xukuumadda fedaraalka ah ay shatiyo siin doonto maraakiibta iyo doomaha doonaya in ay si sharci ah uga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaa raaciyay in maraakiibta iyo doomaha shisheeye ee sida sharci darrada ah uga jilaabta xeebaha Soomaaliya ay la tiigsan doonaan cadaaladda.

“Waxaan aad ugu faraxsannahay inaan heshiis ka gaarnay sidii aan leesinka u bixin laheyn, inaan iibsano kalluunkeenna maadaama kalluunkeena  si sharci darro ah lagu qaadanayay muddo sanooyin ah,  illaa iyo haddana si sharci darro ah lagu qaato, waxaan rabnaa iyadoo sharuucda caalamiga ah la isticmaalayo iyo sharuucda Soomaaliya la raacayo shati inaan bixinno” sidaa waxaa Goobjoog News u sheegay Wasiir ku xigeenka wasaaradda kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa si shari darro ah uga jilaabto Maraakiib iyo Doomo shisheeye kuwaas oo qaato kheyraadka ku jira badda Soomaaliya.

Lama oga waxa ay ka badali doonto hadalka ka soo baxay wasaaradda kheyraadka iyo kalluumaysiga ee xukuumadda Soomaaliya taasi oo looga fadhiyo inay wax ka qabato Maraakiibta shisheeye ee sida sharci darrada ah ugu soo xadgudba biyaha Soomaaliya.

Goobjoog News