U bood dhigaalka

Wasaaradda Qorsheynta Oo Hey’adaha Caalamiga Ah Siisey 3 Bil Inay Ku soo Guuraan

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa maanta soo qaban-qaabisay shir ay ka soo qeyb-galeen hey’adaha caalamiga ah iyo NOGS-ka, kaas oo xoogga lagu saarey sidii hey’adaha caalamiga ah ay uga howl-geli lahaayeen gudaha Soomaaliya.

Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah oo ka hadlayey ujeedka waxaa uu sheegay “Ujeedka waxaa uu ahaa in aan u sheegno hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya mashaariicda Soomaaliya inay Soomaaliaya joogaan, waddanka deggan yihiin, shaqaale Soomaaliyeed qortaan, canshuur bixiyaan, xarumahooda waddanka ahaado, waqtigii Nairibi la joogi jiray, oo Soomaaliya loo iman jiray shaqo maalin ah, ama 2 maalin ah waa dhammaatay, waxaan siinnay ilaa sanadkan inta hartay ku soo guuraan dhammaantood, hey’addii Janauary 1-keeda bannaanka joogta, oo xafiisyadeeda waddan kale ku yaalliin, dowldda Soomaaliya lama shaqeyn-doonto”.

Dhinaca kale, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan waxaa uu sidoo kale sheegay in hey’adaha ku war-geliyeen inay hey’adaha la socod-siiyaan shaqada ay qabanayaan dowladda Soomaaliya, oo aan NGO la shaqeyn, oo ay la shaqeeyaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, wasaarahada, dowlad goboleedyda, ilaa heer degmo, heer tuulo.

Goobjoog News