U bood dhigaalka

Wasaaradda Qorsheynta oo Soo Bandhigtey Qiyaasta Tirakoobka Dadka Soomaaliya Ku Nool

Sheeko:Dalka

Wasaaradda qorsheynta qaranka oo kaashanaysa hey’adda tirakoobyada Qaramada midoobey ayaa soo bandhigtey qiyaasta tirakoobka dadka ku nool Soomaaliya.

Goobtii warbixinta lagu soo bandhigayay waxaa joogey Ra’isulwasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo wasiirka qorsheynta qaranka Cabdiraxmaan Ceynte, waxaana warbixinta lagu sheegey in Soomaalida lagu qiyaasay in ay dhantahay 12,316,895 (Labo iyo taban milyan, sedex boqol iyo lix iyo tobonkun, sideed boqol iyo 95 qof), kuwaasi oo boqolkiiba %74 ay yihiin dad da’doodu ay ka hooseyso 30 jir, halka %10 ay yihiin barokacayaal.

Meelaha laga qiyaas qaatay waxaa ka mid ah hawlaha samofalka, ceelasha biyaha, isbitaalada iyo goobaha dadka guud ee dadka isugu yimaadaan, balse tirakoobkani waa mid qiyaas ku dhisan oo aanan hubanti ahayn in uu saxanyahay.

Dadka reer magaalka ah ayaa la sheegay inay tiradooda gaarayso 5, 216, 392 taas oo ah 42%. Reer Guuraaga  ayaa wrabixintu sheegaysaa in ay tiradoodu gaarayso 3, 186, 965 taas oo ka dhigan in ay wadarta guud ka yihiin 26%, halka ay warbixintu sheegtay in Beeralayda Soomaaliya ay tiradooda gaarayso 2, 805, 787 qofood oo ka dhigan 23%. Barakacayaasha ayaa warbixintu xustay in ay 1, 100, 000 kor u dhaafayaan taas oo ah 9%. Waxyaabaha la yaabka leh ayaa waxaa kamid ah in Banaadir kadib uu gobolka ay barakacayaashu ugu badanyihiin uu yahay gobolka Galguduud oo ay ku xigaan Shabeelaha Hoose, Gedo iyo Mudug.

Tira koobkan ayaa sidoo kale muujinaya inta dhedig ah iyo inta labka ah. Tusaale ahaan waxay warbixintu tiri reer magaalka  in ay isla egyihiin raga iyo dumarka halka beeralayda 49% ay dumar yihiin halka 51% ay rag yihiin. Reer Guuraaga waxaa ay ka ag dhawyihiin Beeralayda oo wali tirada ragga ayaa ka sarreyso midda dumarka oo ah 52%. Laakiin tira koob kaa ka duwan waa midka laga sameeyay Barakacayaasha oo muujinaya in dumarku ay gaarayaan 51% halka ragguna ka yihiin 49%.

Waxaayabaha kale ee xussida mudan ee tirakoobkan lagu soo bandhigay ee lama filaanka ah ayaa waxa kamid ah sida gobollada u kala dad badanyihiin. Tusaale ahaan Gobolaka Banaadir ayaa tira koobku sheegayaa inay ku noolyihiin 1, 650, 227 taas oo ka dhigaysa in 13.4% ay ka yihiin tirada guud ee Soomaaliya. Gobolka Waqooyi Galbeed ayaa ku xiga oo ay ku noolyihiin 1,242, 003 taas oo ka dhigan 10.1%. Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku xiga oo ay warbixintu sheegtay inay ku noolyihiin 1, 202,219 taas oo ah 9.8%. Gobolka Bay ayaa isagana lagu sheegay in dadka ku nool tira ahaan gaarayaan 792, 182 taas oo ah 6.45% wadarta guud. Gobolka Togdheer ayaa isagana dadkiisu gaarayaan 721,363. Sidoo kale Gobolka Bari oo ah kan ugu baaxadda wayn gobollada dalka dhul ahaan ayaa tirada dadka ku nool lagu sheegay 719, 512 taas oo ka ah wadarta guud  5.8%. Gobolka Mudug ayaa la sheegay inay ku noolyihiin dad gaaraya 717, 863. Awdal ayaa dadkuusi gaaranayaan 673, 263. Galgaduud ayaa iyana  ah 569, 434 oo  4.65% ka ah wadarta guud. Hiiran ayay warbixintu ku tilmaantay inay tirade gobolkaas  gaarayso 520, 585 oo macnaheedu yahay in 4.2%. Gobolka Gedo  ayaa tira koobka sheegayaa inuu yahay 508,405  oo ah 4.1%. Jubada Dhexe ayaa lagu sheegay 362, 921 oo 2.9% tirade guud.

 

Hadaba hoos ka akhri sida loo kala qiyaasey dadka iyo gobolada

Banaadir                                                                1650227
Shabeelada Dhexe                                               516036
Hiiraan                                                                 520685
Galgaduud                                                               569434
Shabeelade Hoose                                            1202219
Baay                                                                          792182
Bakool                                                                     367226
Gedo                                                                        508405
Jubada Dhexe                                                     362921
Jubada Hoose                                                    489307
Mudug                                                                   717863
Sool                                                                        327428
Sanaag                                                                   544123
Bari                                                                         719512
Nugaal                                                                   392698
Togdheer                                                              721363
Awdal                                                                    673263
Waqooyigalbeed                                              1242003

Tirada guud                                                  12,316 895

Goobjoog News