U bood dhigaalka

Wasaaradda Tamarta Oo Daah Furtay Mashruuca Biyo Siinta Reer Miyigi

Sheeko:Dalka

Wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay daah furtay mashruuca biyo siinta reer Miyiga.

Munaasabadda mashruucan lagu daah furayey oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta wasaaradda Tamarta iyo sidoo kale xubno ka socda IOM.

Mashruucan ayaa cosonaya 3 sano, waxaana ku baxaya lacag dhan 11 Milyan oo doolarka Maraykanka.

Sidoo kale waxaa laga shaqeyn doonaa dayactirka 70 ceel  biyood iyo sidoo kale nadiidinta ceelasha biyaha ee magaalooyinka iyo sidoo kale Wabiyada.

Qarashkan oo aad u badan ayaa waxaa bixin doonta African Development, iyadoo la filayo in dad badan ay ka faa’ideystaan.

Goobjoog News