U bood dhigaalka

Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Oo Sheegtay In DFS Ku Hayso Farogelin Toos Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda warfaafinta Galmudug ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay farogelin ku hayso maamulkooda, islamarkaana iska horkeeneyso shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug.

Wasiirka wasaaradda wasaaraddan, Maxamuud Cismaan ayaa sheegay in dowladda dhexe ay waddo qorsheyaal ay ku dooneyso iney ku burburiso heshiiskii Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Sidoo kale, wasiirka ayaa uga digay shacabka Galmudug dhibta ka dhalan karta arrintaasi, isaga oo dhanka kalena ugu baaqay beesha caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya in arrintan ay si dhow ula socdaan.

“Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Galmudug iney ka digtoonaadaan cawaaqib xumada ka dhalan karta farogelinta qaawan ee ay hormuudka ka tahay dowladda federaalka, waxaan ugu baaqeynaa waxgaradka, culimada, xisbiyada, beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iney si dhow ula socdaan farogelinta qaawan ee dowladda federaalka ku hayso dowlad goboleedka Galmudug” ayuu yiri wasiirka.

Galmudug ayaa marar badan sheegtay in dowladda federaalka ay farogelin qaawan ku hayso maamulkooda, iyaga oo ku baaqay in arrintaasi ay dowladda ka fiirsato.

Goobjoog News