U bood dhigaalka

Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo Amar Ku soo Rogtay Suxufiyiinta Ajaanibta ah ee Ka Howlgala Gudaha Maamulka

Sheeko:Dalka

Wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa soo saartay amar ay ku soo rogtay saxafiyiinta ajaanibta ah ee ka dhex shaqeeya gudaha Somaliland  kuwaasi oo ay xustay  inaanay illaa wasaaradu siiso ogolaanshiyo ayna wax shaqo ah ka qaban karin gudaha Somaliland.

Qoraal uu ku saxeexan yahay  wasiirka  warfaafinta   Cismaan  Cabdilaahi Saxardiid ayaa lagu sheegay in ay marar badan dhacdo  in Somaliland ay warbixinno maqal iyo muuqaalba leh, qoraallo iyo sawirraba ay ka diraan saxafiyiin ajaanib ah kuwaasi oo aan wax ogolaanshiyo ah ka haysanin wasaaradda warfaafinta.

Wasiir Saxardiid  ayaa sheegay inuu amarkiisu si gaar ah ugu socod hay’adaha madaxa banaan ee wada shaqaynta la leh warbaahinta iyo wasaaradaha, kuwaasi  oo marar badan sida uu sheegay Somaliland keenay saxafiyiin aanay wasaaraddiisu ogayn isla markaana shaqooyin  ka qabtay  goobo uu ku tilmaamay xasaasi inay yihiin,  waxaanu wasiirku sheegay in amarkan waxii ka dambeeya  laga qaadi doono tallaabo sharci haddii saxafiyiin noocaasi ah nidaamkaasi ku yimaadaan oo aan lala socodsiin wasaaraddiisa.

Wasiirka oo qoraalkiisan ku sharaxay sida saxda ah ee ay weriye ajaanib ahi gudaha Somaliland uga howlgeli karaan, ayaa  waxa uu tilmaamay in marka hore uu wasaaradda warfaafinta uu codsi uu ku rabo shaqada uu qabanayo in loo ogolaado  oo ay ku lifaaqan tahay mudada uu joogayo, goobaha iyo caddaymo isaga la xiriira oo ka dibna ay wasaaraddu  haddii ay ku qanacdo ay codsi u gudbinayso laanta socdaalka oo dalku galka u soo saaraysa  ka dibna  ay la socod siin doonaan dhammaan hay’adaha shaqooyinka  weriyaha  imanayaa ay la xiriirto.

Saxafiyiin kala duwan oo ajaanib ah ayaa Somaliland u yimaadda shaqooyin ama tabinta xaalado taagan markaasi iyo dhacdooyin aanay warbaahinta guduhu  sheegin sida maxaabiista ku jirta xabsiyada .

Goobjoog News