U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarasha “Ka Laabasho Ma Leh, Imtixaamka Waxaa La Galayaa Sabtida”

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada ee Soomaaliya ayaa sheegtey in aysan ka laaban doonin go’aankeeda ah in ay qaado imtixaam guud, kaasi oo dhici doona 13-ka bishan oo ku began maalinta sabtida.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada mudane Xaamud oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegey in aysan u joojin doonin diidmada dalaha, isaga oo dalaha ku eedeyey in markii hore ay isla qaateen qaadista imtixaamka, balse daqiiqadii ugu dambeysey ay ka baxeen heshiiska sabab la’aan.

“Marwalba marka aan gaarno meesha ah foomkii soo buuxiya oo keena xogta aad heysaan ee ardada ku saabsan ayay dalaha dib u guranayaan, Marka hore heshiis waa ogolyihiin, laakiin marka mudada soo dhawaato waa diidayaan” ayuu yiri Xaamud.

Waxa uu sheegey in horey loo dajiyey muqarar ay qeyb ka yihiin dalaha, islamarkaasi guddo 13 xubnood loo saaray, kaasi 8 ka mid ah ay dalaha soo xusheen.

Waxa uu sheegey in imtixaamka ay qaadayaan ay qeyb ka mid ah wax ka dajiyeen daladaha laftooda.

Mar wax laga weeydiiyey sida ay ugu suurtogalayso in imtixaam ay qaadaan iyada oo ay dalaha diidanyihiin, ayuu sheegey in dugsiyada ay ugu baaqayaan in ay kasoo qeybgalaan, dugsiyadana ogolyihiin sidaas.

“Dowladdii Kacaanka waxa ay isku dartay tacliintii waqooyiga iyo koonfurta, oo la mideeyey, in ka badan 10 sanadood ayay qaadatay in manhaj la dajiyo, muqarar ayaa la dhigayay intaas “ ayuu wasiirka oo dhinaca kale ka hadlayay xalka loo heli karo arrinta manhajka.

Illaa 12 daladood oo waxbarasho ayaa diidey in ay ka qeybqaataan imtixaanaadka ay wasaaraddu qaadeyso, waxayna ku eedeeyeen wasaaradda in aysan meelmarinin sharcigii ka horeeyey.

Goobjoog News