U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Dalka iyo Dowlad Goboleedyada oo Kawada Hadlay imtixaanka Qaran

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shir ku saabsan imtixaanka Qaranka ee sanada 2019/2020, waxana ka soo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Feysal Cumar Guuleed Wasiiradda Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka.

Sidookale waxaa shirka Goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaasha Wasaaraddaha Waxbarashada Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirka ayaa Qodabada laga soo saaray waxaa ka mid ahaa.

1 Qorshaha imtixaanka Qaranka Fasalka 8-aad iyo Fasalka12-aad si looga baaraandago qorshayaasha xiga ee soo aadan iyo Ansixinta Qorshaha imtixaanka Fasalka 12-aad oo ah waajibaad Qaran oo dhawaan la galayo.

2-In la dhowro mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ku saabsan hubinta helitaanka adeegyo Waxbarasho oo tayo leh oo ay helaan ardayda Soomaaliyeed.

3- Sidoo kale waxaa la isla gartay xaqiiqada ku qotanta in la hirgeliyo iyo in la xaqiijiyo hab mideysan oo ardayda loo siinayo shahaadada dugsiga sare iyo in la qaado imtixaanka shahaadiga ah oo mideysan dalka oo dhan.

4-Waxaa la isku raacay in la qaado imtixaan shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 inta u dhaxeysa 15 ilaa iyo 29 Abriil, waxana la isla gartay in arday kasta oo aan galin imtixaanka shahaadiga ah ee mideysan uusan xaq u yeelaneyn in uu helo shahaadada ay bixiso Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

5-Sidookale waxaa la isla gartay in ardaydii ku dhacday imtixaankii laga soo gudbay ay ka qeyb galaan imtixaanka islmarkaan ay hada xaq u leeyihiin in ay ka qeyb galaan imtixaan sanad dugsiyeedka 2019/2020 si waafaqsan sharuudaha iyo hab raacyada kale ee u dagsan imtixaanka Qaranka.

Waxaa la isku raacay in dowlaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay dajiyaan islamarkaan ay qaadaan imtixaanka fasalka 8 –aad ee dugsiyada Hoose iyo dhexe si loo hubiyo sugnaanta iyo tayada waxbarashada ardaga u soo gudbaya heerka fasalka 1-aad ee dugsiga Sare.

Sidoo kale shirku waxa uu ku booriyay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, in ay xaqiijiso hergalinta iyo badqabka shahaadada Qaranka oo sumcad balaaran ku leh caalamka intiisa kale .

Ugu danbeeyntii xubnaha shirka ka qeyb galay waxa ay ugu baaqeen Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Puntland in ay ku soo biiraan hannaanka Waxbarashada dalka, isla markaana ay doorkooda ka qaataan mideynta iyo tayada waxbarashada ee uu dalku leeyahay si loo badbaadiyo mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed.

Goobjoog News