U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada DFS Iyo Kuwa Maamul Goboleedyada Oo Ka Wadahadlay Sidii Loo Dhaqan gelin lahaa Manhajka Cusub

Sheeko:Dalka

Shirka Wasaaradaha Waxbarashada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka ayaa ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka wasaaradda Waxbarashada dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, Wasiirrada waxbarashada maamul goboleedyada ayaa sheegay in muhiimadda kulankan uu yahay sidii looga tashan lahaa tayeynta waxbarashada dalka.

Kulanka wasaaradda waxbarshada iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgalin lahaa Manhajka Waxbarshada oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya iyo in kor loo qaado tayada Macallimiinta.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Daahir ayaa sheegay in kulankan uu yahay wadatashi ay wasaaraddu la sameyneyso wasaaradaha Waxbarshada maamul goboleedyada si loo mideeyo Manhajka waxbarshada Soomaaliya.

“Waxaan ka hadli doonaan Manhajka hadda iyo Buugaagta la qoray sidii aan u dhaqan gelin laheyn, sidoo kale waxaan iska wareysan doonnaa arrimaha deeqaha waxbarashada “.

Shirka Wasaaradda Waxbarashada iyo kuwa Maamul goboleeyada dalka uga Furmay Baydhabo ayaa lagu wadaa in lagu go’aamiyo Manhajka waxbarashada uu dalka yeelan doono iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa.

Goobjoog News