U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Iyo Gobolka Banaadir Oo Isku Heysta Lacag Jaamacadaha Lagu Diiwaan-gelinayo

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Waxbarashada Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay lacag diiwaan-gelin ah oo gobolka Banaadir ku soo rogeen jaamacadaha.

Qoraal ay wasaaradda soo-saartey oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa lagu sheegay “waxaa wasaaraddu caddeyneysaa inay arrintaas tahay mid aan sharciga waafaqsaneyn, ayna haboon tahay in gobolka uu dib uga laabto meel-marinteeda.

Wasaaradda waxaa ay intaasi raacisay in cutubka 4aad, qodobaddiisa 10, 11, 12 ee sharciga waxbarashada sare ee jamhuuriyadda federaalka ah, qodobbadaas oo si cad oo aan mugdi ku jirin u qeexaya habraaca diiwaan-gelinta jaamacadaha inay tahay awoodda wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare.

Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii 4-tii bishan uu gobolka Banaadir, xafiiska maamulka iyo maaliyadda soo saarey go’aan ku saabsan is diiwaan-gelinta jaamacadaha Muqdisho.

Shuruudaha ay sheegeen gobolka waxaa ka mid ahaa:

1. Codsi qoraal ah oo leh (timbare saxiixa Jaamacadda).

2. Profile iyo dastuurka Jaamacadda

3. Taariikh nololeedka mas’uuliyiinta ugu sareysa jaamacadda

4. Heshiis nootaayo qortay haddii jaamacadda labo iyo ka badan isla leeyihiin, uuna ku cadyahay saamiga qofka leeyahay.

5. Lacagta diiwaan-gelinta oo $1,000)(Kun Doolar).

Goobjoog News