U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Oo La Hormarinayo

Sheeko:Dalka

Wasiirka waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay iney wadaan qorshe ay ku hormarinayaan wasaaraddaasi.

Wasiirka oo ka hor hadlayey qaar kamid ah shaqaalaha wasaaraddaasi ayuu sheegay in dhowaan isbedal lagu sameeyay agaasimayaasha wasaaradda qaarkood, iyadoo xilalka ay maanta la wareegeen 9 kamid ah agaasimayaasha cusub ee wasaaraddaasi.

Wasiir Daahir ayaa tilmaamay in  agaasimaayashan cusub looga fadhiyo iney qabtaan shaqooyin badan, lana yimaadaan howlkarnimo dheeraad ah.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay maanta inaan halkaan u fadhinno inaan soo dhammeystirno dhismihii wasaaradda iyo qaabkii ay u shaqeyn lahayd, tanna waxay Kow ka tahay ballanqaadii aan sameennay markii nala soo magacaabay oo aan wasaaraddan imid, xukuumadda hadda jirto oo Ra’iisul wasaaraha ka yahay Xasan Cali Kheyre waad ogtihiin markii halkaan la yimid waxaan qadinnay qorshihii aan ku shaqeyn lahayn, ballan ayaan ku qaadnay inaan keenno wasaarado fir fircoon leh qaab shaqo oo dunida caadiga oo kale ah, awood leh iyo shuruuc hagaya iyo shaqaale fir fircoon” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe wadey qorsheyaal uu ku hormarinayo wasaaraddaasi.

Goobjoog News