U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada oo Shaacisay Liiska Macalimiinta Gudbay iyo Xilliga Imtixaanka

Sheeko:Waxbarashada
Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa shaacisay liiska macalimiinta usoo  gudbay imtixaanka dhowaan ay ku dhawaaqday in wasaarradu  loo geli doono 3000 oo macalin oo ay shaqaaleysiin  doonto, kuwaas oo laga qaadan doono qeybaha kale duwan ee macalinno.
Wasaaradda ayaa sheegtay in imtixaanka qoraalka ee ogolaashaha in ay wadarta guuud ay usoo gudbeen 7581, kuwaas oo isugu jira macalimiin dalbaday qeybta xanaanada caruurta dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiga sare, waxaana jiri doona mar kale in imtixaan guud ay gali doonaan, kaas oo 3000 oo ugu sareysa laga qaadanayo.
Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Dr. Faarax Shiikh Cabdulqadir ayaa madasha lagu shaaciyay ka sheegay in wasaaradda gudaheeda aysan ka dhicidoonin musuq iyo wax isdabamarin, isaga oo dhanka kale xusay inuu qof walba gobolka uu kasoo codsay uu gali doono imtixaanka wasaaradda qaadeyso.
Maalinta taariikhdu tahay 27 bisha ayaa ah maalinta guud ahaan macalimiinta ka gudbay imtixaanka codsashada ay u geli doonaan imtixaanka, kaas oo dhici doona gobolka Banaadir, caasimadaha dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle, waxaana qeyb ka aheyn Puntland.

No photo description available.

May be an image of text

Goobjoog News