U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada oo Xariga ka Jartay Imtixaannada Mideysan ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Munaasibad maanta ka dhacday magaalada Muqdishu, Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa xariga ka jartay Imtixaanada mideysan ee ardeyda dusiyada sare ka baxeysa ee Koofuta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ugu horeyntii Wasiirka waxbarashada Khadra Bashiir Cali oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in Wasaaradda ay ku guuleysatay Imtixaanka Mideysan ee Wasaaradda ee ardayda ka qalin jabineysa dugsi sare.

Wasiiradda ayaa sheegtay in Imtixaanaadka laga qaadayo gobolada Min Mudug ilaa Kismaayo, taasi oo ay ku tilmaantay guul u soo hoyotay Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda 25 sano kadib.

Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Caddaaladda Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) ayaa dhankiisa u tahniyadeeyay umadda Soomaaliyeed, waxaa uu si gaar ah hambalyo ugu diray Macalimiinta iyo Waalidiinta Ardeyda.

Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta iyo saraakiisha Ciidanka, Booliiska iyo Nabad sugidda oo door ka qaatay ilaalinta goobaha imtixaanaadka oo muqdishu kaliya 9 goobood ka dhacayaan.