U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Imtixaanka Shahaadiga ah Qaadayso

Sheeko:Waxbarashada

Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta shaacisay tirada ardayda u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ah, xarumaha imitixanaadka lagu galayo, Kormeerayaasha iyo Macallimiinta ka qayb galaya Ilaalinta Imtixaanka.

Wasaaradda ayaa xustay tirada ardayda sanadkaan u fariisanaysa imtixaanka dugsiyada sare iyo dhexe ay  gaaraysa 16,500 arday oo isugu jira Fasalka 12aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee dugsiga dhexe, sida ay wasaaraddu ay ku sheegtay qoraal kooban oo maanta ay soo saartay.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in  132 xarumood oo ku yaalla dhammaan gobollada Puntland lagu gelayo Imtixaanka, islamarkaana ay ilaaliyaal ka noqon doonaan  1000 macallin oo isugu jira dugsiyada dhexe iyo kuwa sareba.

Sidoo kale, 150 Kormeerayaal ah oo isugu jira shaqaalaha Wasaaradda iyo hawl-wadeennada kale ee imtixaanka ayaa kormeeri doona imtixaanka, halkan 400 oo ciidan Booliis ah loogu tala-galay in ay waardiyeeyaan.

Tirada Ardayda guud ee imtixaanka Shahaadiga ah gelaysa dugsiyada dhexe iyo kuwa sare, ayay wasaaradda ku sheegtay 16,500 oo Arday, kuwaas oo isugu jira 7017 gabdhood iyo 9483 wiil.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee deegaanada  Puntland,ayaa sida qorshaysan loo fariisan doona 27-da bishaan June 2020, kadib markii dhowaan jadwalkiisa wax laga beddelay, sababa la xiriira faafidda Xanuunka COVID-19.

Goobjoog News