U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Amar Ka soo Saartay  Afafka Qalaad ee Lagu Dhigto Waxbarashada Aasaasiga ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarahsada ee Somaliland ayaa soo saartay amar ah inay dugsiyada hoose dhexe  ay waxbarashada ku qaataan luuqada afka Soomaaliga bedelkii luuqadaha carabiga iyo ingiriisiga .

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Cabdilaahi Aadan Habane oo ka hadlay amarkaasi waxa uu ku sheegay inuu yimi ka dib markii ay arkeen in luuqaddii afka Soomaaligu ay gabaabsi ku tahay aqoonta ay da’yartu barato, “ Waxaanu soo rognay amar ah in dugsiyada hoose dhexe kuwa gaarka ah iyo dawliguba ay ardayda waxbarashada ku siiyaan luuqada Afka Soomaaliga,  xiisado Ingiriisi ama carabi ahi waku jiri karaan balse luuqada waxbarashadu ay ku qornaanaysaa waa inay ahaato  Soomaali, sababta aanu sidaasi u samaynay waxaanu aragnay aqoontii aynu afkeenna hooyo u lahayn oo meesha ka baxday taasina waxay keentay in dhaqankii Soomaaligu isna uu guuro , oo ay soo baxaan dad aad mooddo inay dalal kale wax ku barteen”, Ayuu yiri wasiirka waxbarashada Somaliland  cabdilaahi Aadan Habane.

Wasiirka ayaa sheegay inay  tirakoob ay ku sameeyeen saamayta  Afka Soomaligu ku leeyahay waxbarashada Soomaaliland ay ku ogaadeen in uu yahay maadada ugu xiisaha iyo qiimaha yar ee dugsiya lagu bixiyo,” Maaha arrin fiican in afkaagii Soomaaligu noqdo kan ugu qiimaha yar ee ardaygeennu uu helaa macallimiinta bixinaaya  ay noqdaan kuwa uga aqoonta iyo tayada yar leh  waa in aanu wax ka bedelno  haddii ay qaadan waayaan dugsiyada oo aanu dhammaantood u sheegnay  waxaanu qaadaynaa  tallaabo aanu dugsigaasi ku xiri doono”.

Dhinaca kale dugsiyadan gaarka loo leeyahay ee amarka lagu soo rogay ayaa arrinkan u arka caqabad ka dhan ah geeddi socodka waxbarashada  iyadoo iskuulaadka gaarka loo leeyahay la xaqirayo, ayay yiraahdeen, kaalintoodii ay ka qaateen horumarinta waxbarashada, Maxamuud Cabdi Naasir oo ah maamule ka tirsan mid ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla Burco ayaa ku doodaya sidan; “ Waxay tani astaan u tahay inaaney diyaar u ahayn xukuumaddu inay dowr ka qaadato geeddiga aanu kaligayo wadnay ee waxbarashada loogu jiro  inay wax ku darsato markii ay ka gaabisay, maanta inay dhahdo waxii aad yab-yabateen ayaanu hadana sii kala ridaynaa waa ceeb”, ayuu yiri maamule Maxamuud.

Dugsiyada gaarka loo leeyahay  ee hoose dhexe oo u dhigma  %75 waxbarashada Somaliland, ayaa waxa badankoodu ay ku baxaan luuqadaha Ingiriisig iy Carabiga waana arrinta ay wasaaraddu ay amarka kasoo saartay ee la doonayo iney wax ka bedelaan manhajkooda waxbarasho ee ku saleysan luqadaha shisheeye.

Goobjoog News