U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Oo Ka Jawaabi La’ Cabashada Ardeyda Aragga La’

Sheeko:Caafimaadka

27 ardey oo ka mid ah kuwa aragga la’ ayaa ka walwalsan sida ay ugu fariisan-doonaan imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda federaalka ah kadib markii ay wasaaradda waxbarashada ka jawaabi weysay cabashooda.

Axmed Xasan Dige oo ardeydaas ka mid ah oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Cabsi ayaan qabnaa oo ah in dadka aragga la’a sanadkan aaney gelin imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda maadaama sanadkii hore laga reebay, cabashadeennu waa in arrintaas wax laga qabto, oo wasaaraddu dedejiso qaab aan imtixaanka ku geli karno”.

Ibraahim Maxamed Cali, oo oo ka mid ah ardeydaas, oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa yiri ” Waxaan diideynaa in dadaal dheer kadib uu mustaqbalkeena dayacmo, dowladduu waa inay diyaarisaa qaabkii aan imtixaanka u geli laheyn”.

Horay waxaa arrintan u dalbaday xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka ah. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo arrintan ka hadlaya waxaa uu yiri”Allah agtiisa in  laga wada  simman yahay, midka araga la’ iyo midka kale aragga heysta, waa imtixaan midka aragga leh waa la imtixaamay midka laga qaadayna waa la imtixaamay,  ilaah arag uma waayin lakiin anaga ayaa la rabaa inaan ku cibro qaadano,  maanta wax ayaad baranaysaan, imisa ayaa aragooda qaba hadana jaahil ah wax  ay ku qabaana anay  jirin wax nacfi adduun iyo mid kaleba , sidaa darteed waxaan idiin ku bogaadinayaa inaad hami ka yeelataan waxbarahada oo aas aaska wax walbo looga gudbi karo aanta”.

Dhanka kale Sanater Zamzam Daahir Maxamuud  oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegtay in arday looga baahan yahay inay galaan taariikhda dadkii aragga la’ aa ee waxbarashada heerka ka gaaray inay ku daydaan ayadoona sheegtay in arday cabashadooda ay gudbinayaan “waa inaan la niyad jabin, waad ogtihiin taariikhda dadkii araga la ‘ aa ee hormarka gaaray ma ahan inaad dadka ka duwan tihin, dhamaan dadku waa isku xuquuq mid araga leh iyo kaan aheenba, waxaan idiin sheegaayaa inaan wasaaradda aan codsigiina la tagidoono  gudoomiyahane aan la soo xariiridoono”.

Goobjoog News