U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Soo Gabagabeysay Qoriska Manhajka Dugsiga Sare+Sawirro

Sheeko:Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Taliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qabatay Xafladda Gabagabada Qoraalka buugaagta Manhajka Qaranka ee dugsiga Sare oo ah buugaag ay diyaariyeen dad Soomaaliyeed.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabadda Wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo munaasabada ugu qeyba galay habka adeega casriga ah ee online-ka,Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada ,Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf, Agaasime xigeeno qubaradii diyaarisay Manhajka Waxbarashada, xubno ka socday shirkada Badar ee daabacay Manhajka,Culimaa’udiin iyo marti sharafkale oo lagu casuumay.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo u mahadceliyay Khubaradii iyo dadkii waqtiga ku soo bixiyay in la helo Manhaj dugsi sare oo la jaan-qaadi kara dalka ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in lasoo gaaro heerkaan Gabagabada qoraalka buugaagta Manhajka, isagoo sheegay in ay ka go’antahay tayeynta Waxbarashada Dalkal.       Goobjoog News