U bood dhigaalka

Wasaaradda Waxbarashada XFS iyo Waxqabadka 9kii Bil Ee La Soo Dhaafay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeeyay dib u qaabayn lagu sameeyay waaxyaheeda kala duwan muddo 9bilood ah ka dib markii ay wasaaraddu yeelatay wasaar C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada C/raxmaan Daahr Cusmaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka waramay muhiimadda kulan labo maalmood xarunta wasaaradda uga socday shaqaalaheeda, waxa uuna sheegay iney soo gabagabeeyeen dib u habaynta shaqaalaha wasaaradda isla markaana ay isla meel dhigayeen halkii looga socon lahaa.

Wasiir Cabdiraxmaan ayaa xusay in wasaaradda markii hore ay ka jireen arrimo aan isku dheelli-tirneyn laakiin ay markii dambe qaadeen tallaabo ay dib ugu saxayaan arrimahaas oo ay ka mid tahay, wasaaradda oo lahayd 7 ayna joogeen 17 agaasime, oo markii dambe  lagu soo koobay 10 agaasime oo kaliya.

“Dib  u qaabaneynta wasaaradda Maanta waxay dhameystirantay, laakiin ma aha wax maanta bilowday, wasaaradda dib u qaabeyn waxaan ku sameynna laba bilood ka hor, waaxyihii wasaaradda oo 7 ahaa laakiin 17 agaasime lahaa ayaa si fiican u kala shaandhaynnay, waxaan ku soo koobnay 10 waaxyood, waxaan u dhiibnay 10 qofood oo karti leh oo dhalinyaro ah, aan aaminsanahay in howlihii wasaaradda lagu aaminayay iney kaxayn karaan, waxaan ku soo xulnay kartidooda aqoontooda iyo anagoo horey u niqiinnay, wareysina la yeelannay, 10 qof waxaa ka mid ah labo gabdhood, waa markii ugu horreysay oo gabdho aan ka dhigno agaasime waaxeed wasaaradda ka shaqeeya. Markaa anagoo isla wada soconno waa inaan ka fakarno halkii aan u jaanqaadi lahayn.”, ayuu yiri wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Soomaaliya C/raxmaan Daahir.

wasaaradda waxbarashada oo ka mid ah wasaaradaha ugu ballaaran ee dalka ayaa dib u qaabaynteeda ay qaadatay ku dhawaad 9 bilood oo ah mudadii ay jirtay xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre.

Goobjoog News