U bood dhigaalka

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Oo Sheegtay In Ay Jawaab Ka Bixin Doonto Xoolaha La Soo Celiyay

Sheeko:Dalka

Sacuudiga ayaa dhowaan dib u soo celiyay qeyb ka mid ah Xoolaha Soomaaliya kuwaasi oo loo dhoofiyay dalka Sacuudi Carabiya iyada oo aan loo sheegin sababta dowladda Soomaaliya.

Dr C/qaadir Shoole oo ah Agaasimaha Waaxda Suuq-geynta iyo Maxjarrada ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa u sheegay Goobjoog News in Markabka la soo celiyay ay saaranyihiin xoolo dhan 27 kun oo dheef isaga oo hoosta ka xariiqay in ilaa iyo hadda aysan ogeyn sababta loo soo celiyay xoolaha.

“ Markabka weli noma soogaarin waxaan rajeyneynaa in uu na soo gaari doono Maalinta Isniinta ah guddi dhaqaatiir ah ayaa loo xilsaaray iyo guddi jooga Boosaaso kaasi oo la shaqeeya wasaaradda xanaanada xoolaha”,

Dhowaan ayay aheyd markii Qoraal ay soo saartay wasaaradda bey’adda, biyaha iyo beeraha ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay soo celiyeen xoolaha Soomaalida kadib markii ay ka heleen qandhada Rift Valley Fever (RVF)

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Qoraalka wasaaradda:

Iyada oo la tixraacayo amar No 7/b/16377 ee 11/11/1409 H, kuna saabsanaa in la ilaaliyo caafimaadka xoolaha dalka la keenayo  iyo iyada oo la tixraacayo xeerka caafimaadka xoolaha ee Khaliijka iyo laanta fulinta ee Boqortooyada Sacuudiga  ee golaha wasiirrada No 109 ee Taariikhda 30/4/1424 H, waxaa la baaray xoolo saarnaa markabka(Alpha Livestock 19) kaas oo ka yimid Soomaaliya, oo ay saarnaayeen 27,000 oo adhi ah, oo ay lahaayeen shirkadaha Maxamed Xamuud, shirkadda Xamud Maxbuub Qurashi iyo shirkadda dhashii Maziid Shalwi, waxaa soo baxdey:

  1. In xoolaha ay qabaan qandhada Rift Valley Fever (RVF)
  2. Waxaana la amray in lagu celiyo halkii ay ka yimaadeen.

July 2, 2018 ayey Sacuudiga xayiraadda ka qaadeen xoolaha Soomaaliya.

Goobjoog News