U bood dhigaalka

Wasaarradda Caafimaadka oo Ka Warbixisay Khasaaraha Weerarkii Hotelka Xayaat

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka wasaaradda caafimaadka xukuumadda federalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka warbixiyay khasaaraha guud ee dhaawac iyo dhimasho ee ka dhacay weerarkii lagu qaaday hotelka Xayaat,kaas oo socday ku dhowaad 48 saac.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu goobaha caafimaadka ka xaqiijisay dhimashada 21 ruux iyo dhaawaca 117 ruux, isaga oo intaas ku daray in ay jiri karaan meydad aan la geyn goobaha caafimaadka oo ehaladooda ay aasteen sida uu sheegay.

Weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat oo bilowday galinkii dambe ee Jimcaha kadib salaadii Maqrib ayaa geystay khasaare xoogan isaga oo soo gaaray xalay saqdii dhexe oo ciidanku sheegeen lasoo gabagabeeyay howlgalkii ka socday Hotelka.

Goobjoog News