U bood dhigaalka

 Wasaraadda Waxbarashada Somaliland oo Joojisay Deeqihii Waxbarshada Heer Jaamacadeed ee Dadka Danyarta ah

Sheeko:Dalka

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarasahda iyo tacliinta sare ee Somaliland Prof. Cabdi Cali ayaa shaaca ka qaaday iney wasaaraddiisu joojisay gebi ahaanba deeqihii waxbarasho ee ay ardayda danyarta ah ka siin jirtey jaamacadaha waddanka gudihiisa ku yaalla.

Agaasime Cabdi Cali oo u warramayey warbaahinta ayaa sheegay iney bixinta deeqahaas u daayeen jaamacadaha dalku iney si iskood ah u maamulaan sanadkan,“Deeqaha waxbarashada ee dalka waanu daadejinay oo jaamacadaha ayaanu u daadajinay, wasaaradduna hore dadka danyarta ah ayey jaamacadaha waddanka ku qori jirtey, laakiin sanadkan jaamacadaha ayaanu u daynay”, Ayuu yiri agaasime Cabdi Cali.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sharraxaad dheeri ah ka bixiyey sababaha keenay iney wasaaraddu sanadkan joojiso ardaydii danyarta ahayd ee ay jaamacadaha dalka fari jirtey iney deeq waxbarasho siiyaan, waxana uu cabasho ka muujiyey codsiyo xad dhaaf ah oo wasaaradda buux dhaafiyey, kuwaas oo ay hormuud u yihiin dadka jeebkoodu ladan yahay, waxana uu yiri,“Sababta deeqahaas loo daadajiyeyna wax kale ma ah ee sanadkan dad tiro badan ayaa soo codsaday oo waa nala qarqiyey wasaarad ahaan, waxa aanu kala saari kari weynay waxa soo baxay dad iska ladan oo meesha orday, waxaana loogu talogalay dadka aan awoodda lahayn.”

Waxa uu agaasimuhu sheegay inaaney jirin wax nidaam ah oo wasaaradda waxbarashada uga diyaar ah sidii ay dadka tirada badan ee codsiyada soo gudbista ku kala saaraan,

“Wasaarad ahaan waxanu isku qancinnay inaaney noo  diyaar ahayn nidaamkii aanu ku kala saari lahayn dadka ladan iyo kuwa liita ee aanu odhan lahayn kaas ayaanu siinnay iska tag” , Ayuu yiri agaasime Cabdi Cali.

Agaasime Cabdi Cali waxa uu hoosta ka xarriiqay iney sanadkan jaamacadaha kala duwan ee dalka awood u siiyeen iney deeqahaas siiyaan ciddii ay iyagu u arkaan inaaney iney u qalanto oo danyar ah, waxaana uu yiri,“Waxaanu nidhi jaamacaduhu awood waxey u leeyihiin iney sanadkan qaataan ciddii ay iyagu u arkaan inaaney awood u lahayn iney lacagta iska bixiyaan, dhawaanna waxanu bilaabaynaa dadaal iyo qorshayaal aanu ku kala saaraynno dadka codsiyada noosoo dira”

Wasaaradda waxbarashada Somaliland, ayaa haatan ka hor qaban jirtey codsiyada ka yimaadda ardayda danyarta ah ee dugsiyada sare ka baxa, kuwaas oo aan awood u lahayn iney kharashka jaamacadah iska bixiyaan, waxaana ay qoraal ay ku farayso iney ardaydaas deeqo waxbarasho siiyaan u diri jirtey jaamacadaha kala duwan ee dalka, balse sanadkan taas waa la hakiyey.

Goobjoog News