U bood dhigaalka

Wasaaradda haweenka Puntland oo soo dhaweysay xukun ay riday maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal

Sheeko:Dalka

Masuuliyiinta wasaradda Haweenka dowladda Puntland ayaa maanta soo dhaweeyay xukun xarig dheer ah oo maxkamadda Darajada koowaad ee Gobalka Nugaal ku riday Nin lagu helay tacadiyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha oo uu Haween u gaystay.

Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Nugaal ayaa Nin-kan ku riday labaatan sano oo xarig ah ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu kufsi u gaystay haween, waxaana ninkan dhawaan laga soo qabtay degmada Eyl ee gobalka Nugaal oo la sheegay inuu halkaa ula cararay gabar uu kasoo afduubtay gobalka Sool.

Aniso Xaaji Muumin wasiirka haweenka Puntland oo ka hadashay kulan lagu taageerayay xukunkan lagu riday ninka dumarka tacadiga u gaysan jiray oo loo baxshay Jiite ayaa sheegtay inay soo dhawaynayaan go’aankan oo wax badan ka tari doona dhibaatooyinka ay haweenku ku qabeen falalka noocaan oo kale ah.

Waxay sheegtay arrintan inay tahay musiibo culus oo aan u baahnayn in qabiil laga dhigo, waxayna sheegtay inay u baahan yihiin in cadaalada la hor keeno dadka falalka foosha xun kula kaca haweenka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.

Ninkan ayaa la sheegay inuu caafimaad ahaan uu wanaagsanyahay hase ahaatee uu caadeystay inuu kula kaco haweenka falal aan arxan aheyn oo xad gudub ku ah haweenka.

Xukunkaan ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ay rido maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal iyada oo ay jiraan weli xad gudubyo loogeysto haweenka Soomaaliyeed oo aan waxba laga qaban sida ay sheegayaan.

halkaan ka dhageyso codka wasiiradda

120101_020