U bood dhigaalka

Washington Oo Sheegaty iney Turkiga Ka Taageereyso la dagaalanka Argagixisada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa saakay warbixin uu kasoo saaray Aqalka cad waxa uu sheegay in Washington ay Turkiga ay ku gacansiineyso sidii ay ula dagaallami lahaayeen waxa loogu yeero Argagixisada waxaana uu amar ku bixiyey in Turkiga la caawiyo kadib markii xalay dalkaasi ka dhacay weerar khasaare geystay.

Afhayeen u hadlay Aqalka cad ayaa waxa uu sheegay in Obama isaga iyo qoyskiisa oo ku sugan Gobolka Ohio uu si kulu u cambaareeyey weerarkii ka dhacay Turkiga.

Xalay ayey aheyd markii uu weerar ka dhacay meel lagu caweynaayey oo ku taalo wadanka Turkiga, weerarkaas ayaa waxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhimatay 35 qof waxaana ku dhaawacantay 40 kale.

Goobjoog News