U bood dhigaalka

Washington: Soomaaliya Oo Ka Qeybgalaysa Shir Looga Hadlayo Daacish

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kamid ah dhowr dal oo ka qeybgalaya shir ballaaran oo looga hadlayo ururka Daacish, kaasi oo ka dhacaya magaalada Washington  ee dalka Maraykanka.

Sii haya xilka wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar  oo shirkan maanta ka furmaya Washington  ka qeybgalaya ayaa Idaacadda lagu magacaabo VOA u sheegay in shirkaan uu yahay mid aad u muhiim ah, loogana hortagayo argagaxisada waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay in shirkaan sidan oo kale Labadii sano ee lasoo dhaafay loo qabtay, islamarkaana ay Soomaaliya ka qeybgashay.

Ajendaha shirkaan ayuu ku sheegay wasiir Hadliye inuu yahay sidii loo sameyn lahaa iskaashi buuxa oo lagula dagaallamayo Daacish.

“Safarkaan waxa weeye safar aan kaga qeybgalayo shir dowladda Soomaalida lagaga casuumay oo ay sameynayaan qeybta arrimaha dibadda Maraykanka oo lagaga hortagayo argagaxisada gaar ahaan ISIS, shirkaan sanadkii hore iyo kii kasii horreeyay waa la sameeyey, Soomaaliyana mar walbo waa ay ka qeybgashay, qorshaha waxa weeyey sidii loola diriri lahaa argagaxisada, Soomaaliya waa la wada ogyahay waxay ku jirtaa wadadam ugu horreeya ee la dagaallamaya nimankaan argagaxisada ah, ayaan walbo dagaal baa Soomaaliya ka socda, ayaan walbo dhul baa la xorreeyaa….wadanka Maraykanka iyo Soomaalida way iska kaashaadaan xagga ciidamada iyo xagga la dagaallanka argagaxisada” ayuu yiri wasiirka.

Kooxda Daacish ayaa ka dagaallanta dalal ay ka mid yihiin Syria iyo Ciraaq, waxaana dhanka Soomaaliya jirta koox sheegtay iney ka tirsan yihiin ururkaasi, kuna sugan deegaanno ka mid ah gobolka Bari.

Goobjoog News