U bood dhigaalka

Washinton Oo Xirtay Nin Lagu Tuhunsanyahay Inuu Ka Qeybgalay Weerarkii Lagu Dilay Safiirkii Mareykanka U Fadhiyey Liibiya

Sheeko:Dalka

Aqalka cad  ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay xireen nin xagjir ah oo la aaminsanyahay inuu kaalin weyn ka qaatay weerar lagu qaaday  dalka Benghazi sanadkii 2012.

weerarkaas oo lagu dilay safiirkii mareykanka u fadhiyey Liibiya J. Christopher Stevens iyo saddex kale oo mareykan ah.

Wasaaradda garsoorka mareykanka ayaa waxay tilmaantay in xagjire Mustafe Imaam lagu tuhansanyahy inuu lug kulahaa weerarka lagu dilay dadkaan u dhashay mareykanka.

Mas’uuliyiin mareykan ah oo dalbaday inaan la shaacin magacooda ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee mareykanka ay ku xireen Liibiya Mustafe Imaam muddo hadda laga joogo dhowr maalmood.

Mas’uuliyiintaan ayaa waxay intaas ku dareen inuu hadda uu ku xiranyahay mustafe wasaaradda garsoorka dalkaasi loona qaadi doono dhanka mareykanka.

Wasiirka garsoorka mareykanka Jefferson Sessions ayaa sheegay in mareykanka uu si wadi doono baaritaannada si loo xaqiijiyo dadka ka qeyb galay weerarkaasi.

Reuters