U bood dhigaalka

Wasiir Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta caasimadda aas qaran loogu sameeyay wasiirkii hore ee Dekadaha Dr. Nuur Faarax Xersi oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale ayaa ka qaybgalay Salaadda Janaasada ee lagu dukaday Marxuumka.

Marxuum Nuur Faarax ayaa muddooyinkan dambe waxaa uu ku xanuunsanaa Isbitaal Digfeer, waxaa uuna geeriyooday xalay.

Goobjoog News