U bood dhigaalka

Wasiir Amniga Galmudug oo Gaaray Bacaadweyn

Sheeko:Amniga

Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta booqday saldhiga ciidanka Booliska degmada Baacadweyne ee Gobolka Mudug.

Wasiirka waxaa kormeerkaan ku wehlinayey saraakiil katirsan  ciidanka Booliiska oo uu horkacayey taliye Booliiska dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay Taliska Booliiska degmada Baacadweyne iyo Guddoomiyaha degmada, iyadoo dhowaan Bacaadweyne uu ka dhacay qaraxa loo adeegsaday gaari.

Wasiirka ayaa ballanqaaday in hay’adaha amnigu ay si rasmi uga howlgali doonaan deegaanka isla markaana la dhameystiri doona dhismaha qeybyada ee Saldhigga Booliiska Degmada.Image may contain: 4 people, people standing

 Image may contain: 3 people, people standing

Image may contain: 6 people, people standing

Image may contain: 5 people, people standing

Goobjoog News