U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga Galmudug oo Soo Celinaya Xarumihii Danta Guud

Sheeko:Amniga

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa Amray In la baneeyo xarumaha Danta guud ee ku yaalla magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo hadda ay haystaan Shaqsiyaad iyo maleeshiyaad kala duwan.

Wasiirka ayaa sidoo kale amray in Ciidamada Daraawiishta  ka baxaan xarumaha ay kaga sugan yihiin magaalada Gaalkacyo  isla markaana tagaan xerada Indha-qaris oo ku taala duleedka degaanka Docol ee gobolka Mudug.

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa hadalkaan wuxuu ka sheegey Goob ciidamada amniga maamulka Galmudug ay ku soo bandhigayeen Khamri fara badan oo ay ku soo qabteen howgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada  iyadoo ciidamada lagu amaray isla goobta in ay burbiriyaan Khamrigaasi.

Sidoo kale wasiirka ayaa  kulan la yeeshay maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo iyo Isku duwayaasha wasaaradaha caafimaadka, maaliyadda iyo gadiidka waxaana kulankaan diiradda lagu saaray caqabadaha haystay shaqada wasaaradahaan iyo maamuladda.

Dhanka kale wasiirka ayaa wuxuu  kulan la leeyahay  saarkiisha ciidamada daraawiishta Galmudug kuwaas oo uu kala hadlayo dib u haynta ciidamada Galmudug iyo xoraynta degaanada ka maqan gacanta dowlad goboleedka.

 

Ugu dambeyn dhalinyarada magaalada Gaalkacyo ayaa wasiir ka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalim Fiqi Ku amaantay doorkiisa ku aadan dardar galinta Amniga iyo qaadista isbaarooyinkii yaallay gobolka  kuwaas oo caqabad ku ahaa  Bulshada ku safarta wadada xiriirisa magaalada Gaalkacyo iyo caasimadda  Galmudug.

Goobjoog News