U bood dhigaalka

Wasiir Baafo “Waxaan Rabnaa In Shaqooyin Badan Aynu Ka Qabano Wabiga Shabelle Sanadka Soo Socda”

Sheeko:Dalka

BaafoSii hayaha xilka wasiirka wasaaradda Beeraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Axmed Baafo oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in mudadii uu xilkaan hayay ay isbedal xoogan ku sameyeen tabcashada beeraha dalka.

Waxa uu wasiirka tilmaamay in abuur badan ay u qeybiyeen beeraleyda ku dhaqan gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, islamarkaana sidoo kale ay dhul beereed badan ka caawiyeen dadkii sidii ay ku falan lahaayeen.

Abuur uu sheegay in loo qeybiyay beeraleydaan ayuu tilmaamay in bulshada ay kasoo qaadeen, islamarkaana ay dib ugu celiyeen bulshadii kale ee u baahneed.

“Inta aan kaalmeenay markaad u fiiriso iyo baahida jirta, baahidaa badan, hantida dadka aan wax u qabanay waxaan kasoo uruurinay bulshada dhexdeeda, waa inoo bilaw wasaaradana wey soo kabsatay abaabul ahaan iyo jiritaankeeda oo meel walba laga dareemay, waxaana rajeynaa in maanta wixii ka dambeeyay shaqaalaha wasaaradda awood u helayaan in ay soo uruuriyaan hanti badan, ama ku jiheeyaan hantida gacanta ugu jirta hay’adaha caalamiga ah sidii loo abaari lahaa baahida meesha ay ka jirto” ayuu yiri Baafo

Dhanka kale waxa aynu Wasiir Baafo wax ka weydiinay waxa iska bedalay beeraha dalka mudadii wasaaradaan uu isaga xilkeeda haayay, isaga oo sheegay in wax badan ay isbedaleen, dad badanna la gaarsiiyay in beerahooda ay ku noolaadaan.

“Waxa iska bedalay waxaa weeye hadaad jowhar aad tagto oo kale, maalintaan tageynay ilaa maanta ma ahan Jowhartii hore, fure waxaan u ahayn fursado badan oo xitaa ay ku yimaadeen hay’ado kale, dhaqaale ahaan waxaa is bedalay nolosha ilaa 500 oo qoys oo tacabkii usoo go’ay reerahooda ku noolaadeen, xilligii deyrta ahaana u gudbay iyaga oo intaasi kasii fiican, waana bilaw wanaagsan”

Baafo ayaa sheegay qoysaskaan uu soo sheegay ee ay ka saacideen beerashada waxa ay u qabteen ama ay siiyeen ka wasaarad ahaan, isaga oo tilmaamay in ay siiyeen abuur Galey ah, markii bilawgaasi uu yimidna dadkale iyo hay’ade ay ku daysadeen.

Ugu dambeyn Maxamed Axmed Baafo oo ka hadlayay qorashada wasaaradda ayuu sheegay in hadda ay ugu soo horeyso arinta ku aadan wabiga Shabelle, islamarkaana ay xirayaan meelaha wabiga fatahaadda uu ka sameeyo.

“Qorshaha wasaaradda beeraha guud ahaa, oo aynu isla meeldhignay waxa weeye xilliga guga soo socda waxaan rabnaa in howl weyn aynu ka qabano wabiga Shabelle, waxaan rabnaa in biyo xireenadii sidii loo hagaajin lahaa, Kanaaladii waaweynaa in la dayactiro iyo in Cara tuur la sameeyo, bilawgaasi guga aynu bilawno, laakiin wejiga wax beerashada beeralayda Soomaaliyeed Labada Sano ee Soo Socota ay wax badan iska bedalaan saas ayeey wasaaraddu go’aan satay” ayuu Hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Baafo.

Wasaaradda Beeraha Xukuumada Soomaaliya ayaa sanadkii ugu dambeeyay waxa ay wax badan ka qabatay arinta ku aadan tabcashada beeraha, waxaana ay caawisay beeraley badan oo ku dhaqan gobalada Shabeelah hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News