U bood dhigaalka

Wasiir Bayle oo faah faahiyay kulan uu dalka Sacuudiga kula soo qaatay madaxda Ururuka Islaamka (Dhageysi iyo Sawiro)

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta dalka dib ugu soo laabtay wasiirka Arimaha dibadda xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ka dib safar uu ugu maqnaa wadanka Sacuudiga.

Wasiirka ayaa saxaafadda waxa uu kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana uu faah faahin ka bixiyay safarkii uu ku maqnaa iyo waxyaabihii usoo qabsoomay.

Waxa uu sheegay in halkaasi uu kula soo kulmay madaxda Ururuka Islaamka (OIC) waxaana wasiirka uu tilmaamay in ay daba socdeen kulamo horay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ula qaatay xoghayaha guud ee Ururukaasi.

Bayle ayaa sidoo kale sheegay in ururkaasi uu haayo lacago badan oo qaarkood dalka looga shaqo bilaabay, sida biyo soo saarid dadka biyo la’aanta hayso iyo tacliinta caruurta.

Waxa uu tilmaamay in kulamada uu lasoo qaatay ay ugu horeysay in la xisaabtamo wixii la qabtay iyo wixii haray.

Dhanka kale waxa uu sheegay in ay ka wada shireen lacagaha haray iyo sida loo maareen lahaa, dowladana ay door muhiim ah ka qaadato shaqada ka socto dalka cid walba lacag ha keentee.

Ugu dambeyn Wasiir Bayle ayaa sheegay in sidoo kale la’isla gartay dalka in laga furo xafiis weyn oo OIC leedahay, maadaama xafiiska hadda ay dalka ku leeyihiin yahay mid deg deg ah oo kaliya.

Halkaan hoose ka dhageyo Shirka jaraa’id ee wasiirka.

Halkaan hoose ka daawo sawirada.

DSC_0440 DSC_0452 DSC_0466 DSC_0469

Sawir Qaade Munasar Maxamed Cabdi