U bood dhigaalka

Wasiir Bayle Oo Kormeeray Howlaha Shaqo Ee Dekadda Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta waxa uu kormeer shaqo ku tagey dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu kula soo kulmay qaar kamid ah shaqaalaha dekadda.

Wasiir Bayle ayaa waxa uu u kuur galay qaabka ay shaqaalaha u shaqeynayaan iyo waliba sidoo kale hannaanka ay canshuuraha u qaadaan.

Waxa uu Wasiirka si gaar ah ula kulmay shaqaalaha dekadda oo uu ku dhiiro geliyey iney si hufan u ilaaliyaan ammaanada, sidoo kalena ay la yimaadaan shaqooyin dardar ah.

Wasiir Bayle ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay xuquuqda Shaqaalaha ay joogteyn doonto, si gaarana loo qiimeyn doono dadka waqtiga dheeriga shaqeeya, wuxuuna ugu dambeyn ku dhiiro galiyay shaqaalaha in ay ku dulqaataan duruufaha dalka ka jira iyo Dakhliga dowlada oo yar.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidan oo kale horey wuxuu u kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isaga oo si gaar ah u kormeeray hannaanka canshuur qaadista.

Goobjoog News