U bood dhigaalka

Wasiir Bayle Oo Saxiixay Heshiis Ku Kacaya $2.7m

Sheeko:Dalka

C/raxmaan Ducaale Bayle, wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay heshiis lacag oo gaaraya $2.7m oo doolarka Maraykanka ah, waxaana loogu talogalay in wax looga qabto abaaraha iyo sidoo kale biyo la’aanta ka jirta gobollada dalka.

Heshiiskan ayuu wasiir Bayle la saxiixday hay’adda NRC oo kaashaneysa Bankiga adduunka, iyadoo ay ka faa’ideysan doonaan mashaariicda lagu qaban doono lacagtan shacab badan oo u baahan gurmad.

Saxiixa Wasiirka Maaliyadda iyo Madaxa Hey’adda NRC ayaa ku saleyysan Nidaamkii balanqaadka horey u dhexmaray Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya iyo hey,adda lacagata Aduunka IMF-ta, waxa uuna la xariiray howlaha Maaliyadeed ee ay Wasaraddu ku guuleeysatay.

Wasiir Bayle oo faah faahin ka bixiyey meelaha mudan in wax looga qabto ayuu sheegay iney yihiin deegaannada maamul goboleedyada dalka ka jira maadaama ay biyo la’aan ka jiro meello badan oo deegaannadaasi ah.

Madaxa hey,adda N.R.C Barnabaa Asarg ayaa uga mahadceliyay Wasaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, nidaamka wada shaqeyneed ee dhexmaray labada dhinac.