Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda UK.
Mas’uuliyiinta uu la kulamy wasiirka ayaa kamid ah Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Muqdisho Kate Foster iyo Wakiilka Arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas Philip Parham.
Wasiir Beyle ayaa mas’uuliyiinta kala duwan kala hadlay sii wadidda taageerada horumarineed ee Maaliyadda iyo dib-u-habaynta hannaanka dhaqaalaha Soomaaliya.
Ugu danbeeyn Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyinta uu la kulmay taageerada dowladda UK ay siiso Soomaaliya.
Goobjoog News