U bood dhigaalka

Wasiir Beyle oo Sharaxay Waddada Loo Marayo Deyn Cafinta Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sharaxay waddada loo marayo in ugu dambeyn Soomaaliya laga cafiyo deymaha iyo cidda deymaha ku leh.

Wasiir Beyle oo u warramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in haatan ay meel gebo gebo ah ay mareyso deyn cafinta Soomaaliya.

“Saddex qeybood aya lacag nagu leh, kuwaasi oo kala ah baananka adduunka, hay’adda lacagta aduunka IMF iyo bankiga horumarinta Afrika, iyaga ayaa hormuud ka ah arrintan, iyagana ayaana sameeyay dariiqa deyn cafinta Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Beyle oo hadalkiisa ku daray in “IMF iyo Bangiga adduunka ay soo saareen qaraarkooda waxa uu yahay ee ah in Soomaaliya ay muteysatay in deynta laga cafiyo, maadaama ay fulisay wixii looga baahnaa”

Wasiirka ayaa tilmaamay in hadda wixii ka dambeeya ay madaxda saddexda banki yeelan doonaan shirar gaar ah oo ay kaga hadlayaan sidii Soomaaliya ay deynta uga cafin lahaayeen.

Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in 27-ka bishan ay magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmi doonaan madaxda bangiga adduunka oo ay halkaasi ku soo kala saxiixan doonaan heshiis ku saabsan deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa bogaadiyay hadalkii shalay ka soo yeeray Bankiga aduunka iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF ta ee ku aadanaa in Soomaaliya ay mudantahay in laga cafiyo deymaha faraha badan ee lagu leeyahay,

Goobjoog News