U bood dhigaalka

Wasiir Beyle “Wadamo iyo shirkado badan ayaa daneynaya in Soomaaliya ay maalgashi ku sameystaan” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wasiirka arimaha dibadda xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in hadda ay soo badanayaan dalalka iyo shirkadaha daneynaya in dalkeena Soomaaliya ay Maalgashi ku sameystaan.

Waxa uu sheegay Wasiirka in tani ay soo dedejiso amniga dalka oo soo yara wanaagsanaanaya, waxaana dhanka kale uu sheegay in hadii amaanka uu sidaan sii ahaado ay wax badan soo kordhayaan.

Wasiirka ayaa sheegay sidoo kale in dalalka hadda codsanaaya in Soomaaliya ay maalgashi ku sameystaan ay yihiin kuwo aad u daneynaya islamarkaana dan weyn ay ugu jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Qof walba oo daneynaysa maalgashiga dalka ayuu sheegay in ay lasoo xiriiraan wasaaradda Arimaha dibadda waxa ugu horeysa ee la weydiinaya tahay amniga dalka ka jira.

Dalalka Turkiga, Shiinaha iyo Ingiriiska ayuu carabka ku dhuftay in ay ka mid yihiin wadamada hadda dalka shaqooyinka ka wada marka loo eego arimaha maalgashiya.

Ganansatada dalka Faransiiska oo dhawaan uu ka yimid ayuu sheegay wasiirka inay aad u daneynayaan sidii ay dalka u maalgishan lahaayeen, dhawaanna ay dalkaasi aadi doonaan 17 xubnood oo ka socda rugta ganacsiga Soomaaliyeed ka dib casumaad ay ganacsatada Faransiiska fidiyeen.

Warkaan oo maqal ah halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News