U bood dhigaalka

Wasiir Beyle: Waxaan Furi Doonnaa Iskuul Lagu Barto Maamulka Canshuuraha Iyo Maareyntooda

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee dowladda federaalka ah Cabdraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen mudadii ay shaqeynayeen waxaa uu tilmaamay in ay  wax ka qabteen daqliga dalka .

Wasiir Cabdiraxmaan Beyle ayaa xusay sidoo kale in ay joogteeyeen  mudaddii uu hayey xilka bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidamadaba.

Wasiirka oo sii hadlay ayaa sheegay in ay wadaan tirokoob ku saabsan ciidanka dowladda si loo xaqiijiyo tirada guud ee ay mushaaraadka ay siinayaan waxaa uuna yiri .

“Soomaaliyey wixii laguu dhiibay haluguugu yimaado ayaa annaga dhibaato nagu heysa, waa in waxa sida ay yihiin loo maamulaa oo aysan meelo kale aadin, maant aduunyada waxaa ay marqaati ka tahay in inta badan la soo qoray in laleeyahay Soomaalida waa la aamini karaa wax way sameyn karaan waa ay soo noolaanayaan intaas in laleeyahay ayaa idiin muuqata, waxaan dooneynaa in Iskuul la dhiso oo dadka ay labo arrimood ay ku bartaan Canshuuraha maamulkooda iyo maareyntooda sidoo kalana waxaa lagu dhigayaa afafka qalaad”.

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in ay dhowaan ay ka qeyb-gali doonaan shir ka dhici doona dalka Mareykanka, kaasi oo looga hadli doono wadamada uu dhaqaalahooda soo korayo, waxaa uu xusay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii guusha.

Goobjoog News