U bood dhigaalka

Wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala” Qof Kasta oo Su’aal Geliya Macawisleyda Waxaan u Aqoonsanahay Khawaarij”

Sheeko:Amniga

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh  Alcadaala ayaa ka warbixiyay safarka wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federalka ah iyo taliyaha ciidanka xoogga ay ku tageen Baxdo, waxaana wasiirka uu sheegay in safarka uu la xiriiro dardargelinta iyo dhhiiragelinta howlgallada ka socda  Galgaduud.

Wasiirka oo weysi gaar ah siiyahay Goobjoog News  ayaa ka hadalay arrimo dhowr ah, kuwaas oo ku qototoma howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobolka, waxaana uu sidoo kale ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaannada hoostaga degmada Baxdo, oo ay ka jiraan howlgallo ciidanku ay muddooyinkii dambe ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah.

“Runtii wax weyn ayey ku dhordhinaysaa, waad ogtahay guud ahaan hoggaanka xoreynta dalka looga xoreynayo nimanka Argigixisada ah hoggaankiisa waxaa iska leh ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa iska leh,  imaatinkooda waxaa uu kusoo kordhinaayaa dhiiragelin, waxaa uu kusoo kordhinayaa abaabul iyo xoojinta wax allaala wixii halkaan looga baahan yahay ay fududeeyaan, dhiig cusub ayey ku shubeysaa, howshii socotay ayey dardargelin iyo u tahay kaabid ” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dowladda federalka ah Cabdiraxmaan  Alcadaala.

Wasiirka oo hadalka sii wato ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay hadal dhowaan kasoo baxay xildhibaan Faarax Macain oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kaas oo uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay hubeynayso qabiilo, waxaana uu sheegay wasiirka inuu diiday yahay kacdoonka dadka ay kaga soo horjeedaan Alshabaab ee ka socda gobollo badan oo dalka ah.

“Runtii waan ka xunahay marka koowaad in qof weyn oo mas’uuliyad sheeganaayo oo isku arko inuu mudda Soomaaliyeed xurmo ku dhex leeyahay inuu dhaleeceeyo oo uu isku dayo, oo ma aragtahy  inuu niyad jabiyo dad abaareysan oo isaga oo noloshiisa la tacaalayo cadow Argigixiso ah inta ay kusoo duuleen ceelkii biyaha uu ka cabayay ay ka dumiyeen oo ka baabi’iyeen,ninka raba maxaa loo taageerayaa inuu su’aal geliyo darajo walba uu wato iyo magac walba uu wato inuu Khawaarij yahay ayaan u aqoonsan nahay, inuu Al-shabaab yahay ayaan u aqoonsan nahay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa dhanka kale waxaa uu ka hadlay goorta ay kasoo labadan doonaan gobolka isaga iyo xildhibaannada kale ee ku sugan furimaha hore, waxaana uu sheegay in ay caasimadda dib ugu soo laabanayaan markii ay soo gutaan waajibaadka ay u tageen  gobolka ayna joogayaan inta la xoreynayo deegaannada ka maqan gacanta dowldda federalka Soomaaliya.

“Halkaan waa aan joogeynaa, shaqada aan u nimid waa inaan dadka halkaan ku nool aan garab istaagno, aan ku garab istaagno in cadowgaas Argigixisadaa ay iska xoreeyaan, inta ay iska xoreynayaan waa aan la joogaynaa, safka hore ayaan kula jiraynaa, waana la soconaynaa, inta ay naftu nagu jirto, inta halkaan nalkaga naahan yahay oo dadkeenna gurmad iyo garab istaag ay u baahan yihiin, waa aan garab taagnaaheynaa” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Cabdiraxmaan Alcadaala.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn weresigiisa waxaa uu kaga hadlay wareysigiisa waxa dowladda kaga qorsheysan dadka ka barakacay deegaannada ka ka socdaan howlgallada ee daadsan duleeyada degmooyinka Baxdo iyo Cadaado, waxaana uu sheegay in ay socdaan dadaallada ay waddo hey’adda maareynta musiibooyinka ee loogu gurmanayo dadka barakacay.

“Howsha dagaalkuna waa socdaa howsha gurmadkana waa uu socdaa, dad aad u tira badan oo barakaca  oo isugu jira kuwa markii hore abaarta ku ceyrtoobay iyo kuwa nimanka Khawaarijta xoolahooda dhaceen iyo in yar oo wixii ay heysteen lasoo cararay, oo dhulkii ay ku noolaayeen ay kasoo barakiciyeen, gurmad gudaha oo dadku isku samaynayaan waa uu socdaa, kan dowladdana hey’adda maareynta musiibooyinka inkastoo uusan badneyn halkaan gargaar waa soo gaarsiisay, marka wixii la awoodo oo gargaar ah waa socdaan oo dowladdu waa wadaa” ayuu yiri gobobagabadii hadalkiisa wasiir Alcadaala.

Safarka wasiirka iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan dadka deegaanka oo ka helayo taageero ay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah, kuwaas oo hoostaga degmada Baxdo, howlgallada ayaa waxaa hoggaaminayo saraakiil ka tirsan ciidan xoogga dalka, kuwaas oo ay kamid yihiin Xasan Jaamici iyo Warsame Gaab, kuwaas oo ku sugan deegaannadaas tan iyo markii dadka deegaanka iyo Al-shabaab ku dagaalameen degmada Baxdo.

Halkaan ka dhageyso waresiga wasiirka

Goobjoog News