U bood dhigaalka

Wasiir Canshuur “Sharciga Isgaarsiinta Qaranka wuxuu Fure u Yahay Abuuritaanka Shaqo”

Sheeko:Dalka

Isbedelka ganacsi iyo horumarka Teknoloojiyadda ee ku soo badanaya Soomaaliya ayaa noqotay mid saameyn ku leh dadka guud ahaan .

Kulan looga hadlayey nidaamka horumarinta Teknoloojiyadda ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka socday dowladda soomaaliya iyo aqoonyahanno.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada  dowladda Soomaaliya Eng Cabdi Cashuur Xasan  ayaa ka hadlay sida ay muhiim u tahay Teknoloojiyadda islamarkaasna ay qeyb ka qaadaneyso horumarinta ganacsiga.

“Sharciga Isgaarsiinta qaranka wuxuu fure u yahay abuuritaanka shaqo, waxaa uu sidoo kale fure u yahay horumarinta teknoloojiyadda, wuxuu fure u yahay isku xirka bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka”.

Dhanka kale wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta xukuumadda Soomaaliya Sadiiq Cabdullahi Cabdi oo isna dhankiisa ka hadlay kulanka ayaa sheegay in xilligan loo baahanyahay in is bedal laga sameeyo dhinaca teknoloojiyadda islamarkaasna noqotay mid wax walba fure u ah.

“Teknoloojiyadda waxaa ay nala gashay meel walba, aduunyadana teknoloojiyadda waa lagu faa’iday “.

Goobjoog News