U bood dhigaalka

Wasiir Ceynte “Doorasho Qof Iyo Cod Ah Hadii Aan La Helin Micnaheedu Ma Ahan In Aysan Doorasho Jirin”

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Ceynte ayaa sheegay in hadda laga fikirayo qaabka dalka ay uga dhici lahayd doorasho, mar hadii aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

Waxa uu sheegay in hadda wada tashi ballaaran la sameyn doono, shacabkana ay qeyb ka yihiin wada tashigaasi, sidaa darteedna laga fikiri doono qaabka ay doorasho dalka uga dhici karto.

“Sida wax loo dooranayo waxay kasoo bixi doontaa wada tashiga ay yeelan doonaan hay’adaha dastuuriga ah iyo umadda Soomaaliyeed, doorasho qof iyo cod ah hadii aan la helin micnaheedu ma ahan in aysan doorasho jirin”  ayuu yiri wasiir Ceynta oo u waramayay Goobjoog News.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in hadda daraaseyn lagu wado doorashada dhici doonto sida ay noqon karto, iyadoo ay jiraan qaabab ku aadan doorashada dhici karto oo la eegayo midda dalka ka dhici karta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay ku dhawaaqday in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah sanadka 2016.

Goobjoog News